Waa maxay ECT?

ECT waa isticmaalka maayad koronto oo xadadan si loo bedelo dhaqdhaqaaqa maayada maskaxada?

ECT waxaa la siiyaa keliya qofka marka:

  • iyaga waxaa la siiyey daawo ka dhigaysa inay gelayaan hurdo aad ah oo loogu yeero suuxdin guud "general anaesthetic", waxaana
  • siiyey daawo debcisa muruqyadooda taas oo loogu yeero debciso (relaxant).

Maxaan u aadayaa dhegaysi maxkamadeed oo ku saabsan ECT?

Haddii dhakhtarkaaga maskaxdu doonayo inuu ku siiyo ECT laakiin aad ka yar tahay 18 sanadood ama ay aaminsan yihiin in aadan lahayn awooda aad ku bixiso ka raalinoqosho warqab-ah, waxaa waajiba inay dabakhaan ogolaanshaha Maxkamada Caafimaadka Dhimirka.

Waxaanu nahay maxkamad madax banaan waxaana ku siinaynaa dhegaysi xaq ah.

Maxaa ka dhacaya dhegaysiga Taraybunalka ku saabsan ECT? 

Dhagaysiga Taraybuunalka ku saabsan ECT waa kulan kaas oo aan go’aan kaga gaarayno haddii ay waajib tahay inaad samayso ECT. 

  1. Saddex xubnood oo ka tirsan Taraybuunalka ayaa akhrinaya warbixinta ay qoreen kooxda ku daaweynaysa iyo wixii macluumaad ah oo aad adigu bixiso.
  2. Waxaan la yeelanaynaa wadatashi adiga iyo kooxda ku daaweyneysa. Waxaan ku weydiineynaa aragtidaada iyo waxaad jeceshahay.
  3. Annaga ayaa go’aan ka gaareyna haddii aad u baahan tahay ECT iyo haddii kale.
  4. Waxaan kuu sheegeynaa go’aankayaga.

Dhegaysigu wuxuu qaataa saacad. Waa qarsoodi waana barayfit.

Saddexda xubnood ee Taraybuunalka ka socda ee dhegaysiga sameynaya ayaa kala ah: 

  • Xubin sharci yaqaan ah.
  • Xubin dhakhatiirta dhimirka ah.
  • Xubin jaaliyadda ah.

Sidee Maxkamadu u go'aansanaysaa haddii la siin doono ECT?

Waxaan go'aan ka gaaraynaa haddii la bixinayo amar lagu ogolaanayo ECT ku salaysan nooca caafimaadka Dhimirka iyo Xeer Samaqabka 2022 (Mental Health and Wellbeing Act 2022).


Haddii aad tahay bukaan khasab ah oo ka weyn 18 sanadood waxaanu xeerin karnaa keliya ECT haddii:

  • aadan lahayn awood lagu siiyo ogolaansho warqab ah iyo
  • in aanay jirin si sidaan ka xadadan oo adiga lagugu daaweyn karo.


Haddii aad tahay bukaan iskiis u yimid oo ka weyn 18 sanadood waxaa sharciyeyn karaa keliya ECT hadii: 

  • aadan lahayn awood lagugu siiyo ogolaansho warqab ah iyo in aanay jirin
  • si adag oo adiga laguula dhaqmi karo iyo inaad
  • leedahay jahayn ama ah (instructional directive) oo bixinaysa ogolaansho warqab ah ECT ama go’aanka daaweynta caafimaadka (medical treatment decision maker) oo bixisa ogolaansho warqab ah ECT oo qoraalla.
     

Haddii aad tahay bulaan khasab ku jooga oo ka yar 18 sanadood waxaa sharciyeyn karaa ECT haddii:

  • aad u bixiso ogolaansho warqab ah si qoraalla ama
  • aadan lahayn awood lagu siiyo ogolaansho warqab ah iyo
  • in aanay jirin si sidaan ka sahlan oo adiga lagugu daaweyn karo.
     

Haddii aad tahay bukaan iskiis u yimid oo ka yar 18 sanadood waxaa ansixin karaa keliya ECT haddii:

  • aad bixisay ogolaansho warqab ah si qoraalla ama
  • in aadan lahayn awooda lagu bixiyo ogolaansho warqab ah laakiin go'aan sameeyaha daaweynta caafimaadkaaga uu u bixiyo ogolaansho si qoraalla mana
  • siin karto ogolaansho warqab ah laakiin qofka leh awood sharci oo lagu ogolaado ayaa bixiyey ogolaansho raalinimo oo qoraalla 

Sax ahaan maxaa Taraybuunalku go’aan ka gaaraysaa?

Haddii shuruudaha la buuxiyo, Taraybuunalku wuxuu bixinayaa amar ay tahay in lagugu sameeyo ECT wuxuuna go’aan ka gaari doonaa:

  • Ilaa intee amarku ku dhamaanayaa (ugu badnaan ilaa 6 bilood) iyo
  • Immisa daaweyn ah ayay ansixisay (ugu badnaan ilaa 12 daaweyneed).

Haddii shuruudaha aan la buuxin Taraybuunalku waa diidi doona codsiga dhakhtarka cilmi nafsiga inuu ku siiyo ECT.

Maxaan u aadayaa Maxkamada? 

Waa muhiim in aado maxkamada si aad ugu sheegto waxaad ka qabto in lagugu sameeyo ECT. Haddii aadan aadin annaga ayaa go’aan samaynayna adiga la’aantaa.

Sida loo diyaarinayo dhagaysigaaga 

waad samayn kartaa waxyaallahaan si aad isugu diyaariso: 

  • Hel qof kaa caawima diyaargarawga
  • Akhri warbixinta kooxda daaweynta wixii kugu saabsan adiga
  • Qorshay waxaad oranayso
  • La hadal kooxda daaweynta ama Traybuunalka wixii ku saabsan sida looga qaybgalo
  • Isku xirida online ka ah ee lagaga qaybgelayo ayaa la heli doonaa 3 berri dhegaysiga ka hor.
  • La xiriir Traybuunalka (maxkamada) haddii aad jeclaan lahayd in aan email kuugu soo dirno linkiga dhegaysiga online-ka ah
  • Samay soo gudbin aad u gudbinayso Maxkamada kuwaas oo ay ku jirto caddayn xoogan oo la doorbidayo (advance statement of preferences) (haddii aad mid haysato).

Kooxda daaweyntaada ayaa qori doonta warbixin ku saabsan sababta ay u malaynayaan inaad ugu baahan tahay ECT. Waa in lagu siiyaa koobiga warbixintaan ugu yaraan 2 maalmood oo shaqo ka hor dhegaysiga.

Weydii kooxdaada daaweynta koobiga warbixintaan haddii aadan mid helin.

Waad awoodaa inaad qorshayso waxaad rabto inaad tiraahdo dhegaysigaaga ama u soo qorto soo gudbin Maxkamada adiga oo soo qoraya:

Waad qorshayn kartaa waxaad doonayso inaad tiraahdo dhegaysigaaga adiga oo soo qoraya: 

  • Maxaad ka fahamtay ee ku saabsan ECT
  • Haddii aad doonayso ECT iyo sababta
  • Daaweyn kale oo aad doorbideysid iyo sababta
  • Wax kasta oo ku jira warbixinta oo aad u malaynayso inuu qalad yahay.

Caawima raadso 

Macluumaad intaas ka badan nagala soo xiriir

Mental Health Tribunal
1800 242 703
mht@mht.vic.gov.au
www.mht.vic.gov.au

Turjubaanada  

Noogu yeer Turjumaan adoo wacaya Translating and Interpreting Service (TIS National) 
131 450

Haddii aad doonayso turjumaan u sheeg adeegaaga caafimaadka. Annga ayaa kharajka bixinayna.

Garyaqaan 

Mental Health Legal Rights Service Helpline
1800 849 806

Victorian Aboriginal Legal Service
(03) 9418 5920

Caawimada la hadlida kooxdaada daaweynta

Independent Mental Health Advocacy 
1300 947 820
contact@imha.vic.gov.au

Aragtida labaad oo dhakhtar kale oo cilmi nafsiga yaqaan

Psychiatric Second Opinion Service
1300 503 426
intake@secondopinion.org.au